Magaalada Djibouti waxa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey shirweyne la xidhiidha la dagaalanka musuq-maasuqqa iyo ku takri falka hantida dadweynaha.
Shirkan oo ay qayb ka ahaayeen 26 dal oo Afrikaan ah iyo hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya la dagaalanka musuq-maasuqa, ayaa dadka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa Khadar Axmed Diiriye oo ka tirsan guddiga la dagaalanka musuq-maasuqqa ee Soomaaliya.
Wariyaha VOA ee Djibouti Ramadaan Muuse Jaamac ayaana Khadar ka wareystay waxyaabaha lagu soo bandhigay.