Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sucuudiga oo haweenka u ogolaaday inay xajka dalban karaan muxram la'aan


Calanka dalka Sucuudiga
Calanka dalka Sucuudiga

Dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia ayaa ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka iyada oo aanu la soconin qof muxram u ahi. Hadalkan waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka, Sida in dumarku ay baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay gawaadhida kaxayn karaan iyo in loo ogolaado inay haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.

Hadaba maxaa ugu wacan isbeddeladan iyo furfurnaanta dhinaca xuquuqda dumarka ah ee Sucuudigu la soo baxay? Maxamed Colaad Xassan Ayaa su’aashaa iyo kuwo kale weydiiyay. Maxamed Cali Biixi oo ka faalooda arrimaha carabta muddo dheerna ku noolaa dalka Sacuudiga.

Sucuudiga oo ogolaaday in Haweenku ay xajiyaan muxram la'aan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:25 0:00
XS
SM
MD
LG