Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Maxaa laga yeelayaa lacagtii laga xannibay Afghanistan?


Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa maamulka madaxweyne Biden ka sugeysa inay ku soo wargaliso wixii laga yeelli lahaa lacag dhan 7 bilyan oo dollar oo ay leedahay Afghanistan, taas oo ku xanniban Bangiga Keydka ee Maraykanka ee magaalada New York. Maamulka Biden ayaa haysta illaa 11-ka bishan February inuu maxkamadda u caddeeyo saddex arrimood oo kala ah; in lacagtaas si abid ah loo xannnibo, in Afghanistan loo celiyo, ama in la siiyo qoysaska dhibbanayaashii weerarkii 11-kii September ee 2001.

Garsooraha maxkamadda ayaa labo mar kordhiyey wakhtiga si uu dawladda u siiyo in ay sharci ahaan kala hufto keyska, hase yeeshee qareenka u dooddaya illaa 150 ka tirsan xigatada dhibanayaanshii 9/11 oo lagu magacaabo Anderw Maloney ayaa sheegay in lacagtan ay ahayd in go’aan laga gaaro “xilli hore.”
Qareen Maloney oo VOA la hadlaya ayaa yiri “Waxaan jeclaan lahay in hore loo dhammeeyo.” Waxa uu intaas raaciyey “Waxay ila tahay in sida ugu dhakhsaha badan loogu shubo koonto, taas oo maxkamadda u ogolaanaysa in lacagta si siman oo caddaaaladi ku jirto loogu qeybiyo qoysaskii dadkooda ku waaweyey 9/11.”
Qaar kale ayaa qaba in lacagtan ay leedahay dawladda Afghanistan, oo ay tahay in loo celiyo si loogu furdaamiyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo bani’aadaminimo ee dalka ka jira.

XS
SM
MD
LG