Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil 35 jir oo loo doortay madaxweynaha Chile


Chilean presidential candidate Gabriel Boric, from the Apruebo Dignidad party, gestures during his closing campaing rally in Santiago, Dec. 16, 2021, ahead of the presidential run-off election.
Chilean presidential candidate Gabriel Boric, from the Apruebo Dignidad party, gestures during his closing campaing rally in Santiago, Dec. 16, 2021, ahead of the presidential run-off election.

Gabriel Boric oo ka socday xisbiga bidixda ayaa ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Axadi shalay ka dhacday dalka Chile, isaga oo noqday madaxweynihi ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda dalkaasi dhaca Koofurta America.
Kaddib marki la tiriyay 99% codadka ku jiray sanaadiiqda, Boric oo 25 jir ah ayaa helay 55.86%, halka musharraxi ka socday midigta fog Jose Antonio Kast uu helay 44.14%.

Jose ayaaba sii qirtay guuldarrada soo gaartay, ka hor inta aaney soo bixin natiijada.
Taageerayaasha libaraalka ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Santiago, iyaga oo lulaya calamo isuguna bogaadinaya guusha uu gaaray siyaasigi ay taageereen.

XS
SM
MD
LG