Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhintay, qaar kalena way dhaawacmeen ka dib markii ay is buurteen dad ka qeyb galayay xafladda muusiga "Astroworld" oo habeenkii Axadda ka dhacday gobolka Texas ee koonfurta Maraykanka.
Saraakiisha ayaa sheegay in isbuurashadu ay bilaabatay abbaare 2:00 markii “dadkii faraha badnaa ee heesaha daawanayay ay bilaabeen in ay ku soo xoomaan dhanka masraxa” mar uu heesayay fannaan heesaha Rap-ka qaada. 50,000 oo qof ayaa ka soo qayb galay xafladdan oo lagu qabtay NRG Park ee magaalada Houston.
Mid ka mid ah dadkii badbaaday ayaa yiri, “waan isku wada dhegnay si aan awood ugu yeelanno inaan sii taagnaanno. Haddii aannaan sidaas yeelin, si fudud ayaa dadku nagu qaadi lahaayeen.”
Booliska Houston ayaa sheegay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay shaqaalaha caafimaadka oo isku dayaya in ay gargaar u fidiyaan dadka miir daboolmay. Qabanqaabiyeyaasha Astroworld ayaa joojiyay xafladda, oo la qorsheeyay inay socoto ilaa Sabtida maanta ah.
Tiro dad ah ayaa la arkayay iyaga oo dhulka ku dhacaya, isla markaana ay ku soo dul-dhacayaan biraha albaabbada la dhigo ee dadka lagu baaro, balse ma cadda in dhacdadan gaarka ah ay sababtay dhimashada.
Maamulka ayaa tilmaamay in in ka badan 300 oo qof ay ku dhaawacmeen kuwaas oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud iyo nabaro.
Astroworld waa xaflad muusig oo uu aasaasay Scott waxaana la bilaabay 2018-kii.