Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiirkii Ruushka ee Mareykanka oo ku laabtay Moscow


Safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka ayaa Axadda maanta ah u tagay magaalada Moscow si looga wada hadlo sida loo wajihi karo xiriirka sii xumaanaya ee Mareykanka iyo Ruushka kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in uu u maleynayo in Vladimir Putin uu yahay dilaa, wakaalada wararka ee Reuters ayaa oo soo xiganeysa wakaallada TASS ayaa warisay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in safiirkeeda, Anatoly Antonov, ay dib ugu yeeraneyso si loola yeesho wadahadal deg deg ah ka dib markii Biden uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga ABC in uu u maleynayo in madaxweyne Putin uu yahay dilaa islamarkaana uu qaadan doono cawaaqib xumada ka dhalata faragalinta
doorashada Mareykanka – eedeyntaasi oo ay Moscow beenisay.

Baraha bulshada ee safaaradda Ruushka ee Washington ayaa baahiyay sawirka Antonov subaxnimadii hore ee Axadda xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha oo ay diyaaraddii sidayna ay sii kacaysay.

Labada dal ayaa sheegay in ay iskaashi samaynayaan kaliya marka ay dantooda qaran tahay in tallaabadaasi la qaado.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG