Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Azerbaijan oo guul ka sheegatay dagaalka Armenia


Ilham Aliyev
Ilham Aliyev

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo sabtidii ah in ciidamadiisa "ay calankooda ka taageen" magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah.

Wasaaradda Difaaca Armenia waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay.

Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin.

Azerbaijan ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qasaaraha militari, in kasta oo maamulka ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo Sabtidii ah in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadan.

XS
SM
MD
LG