Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sudan oo Heshiis la Saxiixatay Jabhado Dagaal kula Jiray


Dowladda awood-wadaagga ah ee Sudan iyo dhowr jabhadood ayaa maanta oo Sabti ah galaya heshiis nabadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo tobanaan sano oo colaad ah oo ay malaayiin qof ku barakeceen, boqolaal kun oo qofna ay ku dhinteen.

Saddex kooxood oo waaweyn ayaa bishii August kala saxiixday heshiis hordhac ah ka dib bilooyin wadahadallo nabadeed ah oo uu martigeliyey dalka deriska ah ee Koonfurta Sudan.

Jabhad kale oo awood badan, oo lagu magacaabo the Sudan People’s Liberation Movement-North garabka uu hogaamiyo Abdelaziz al-Hilu, oo aan ka qayb-gelin wadaxaajoodyadii nabadeed ee ugu horreeyay, ayaa oggolaatay bishii hore in la qabto wadahadallo cusub oo ay martigeliso Koonfurta Suudaan.

Tut Gatluak, oo ah madaxa dhexdhexaadinta ee dowladda Koonfurta Sudan, ayaa u sheegay Reuters ka hor xafladda maanta ka dhacday Juba in ujeedku yahay in heshiis lala galo dhammaan kooxaha hubaysan.

Hogaamiyeyaal ka socda Kenya, Ethiopia, Soomaaliya, Chad, Masar iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda.

XS
SM
MD
LG