Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo ku Baaqday Cunnaqabateyn la Saaro Russia


G
G

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa ku baaqay cunnaqabateyn cusub oo Midowga Yurub uu saaro Russia sababo la xiriira sumeyntii hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny taasi oo loo isticmaalay sunta neerfaha weerarta oo ah mid dunida laga mamnuucay.

Navalny ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka soo baxay xaalad koomo ah ka dib markii uu si lama filaan ah u xanuunsaday isaga oo ku jira duulimaad gobolka Siberia, waxaana markii danbe loo qaaday magaalada Berlin si loogu daweeyo. Dhaqaatiirta Jarmalka ayaa sheegay in uu ku sumoobay Novichok oo ah sunta ka dhanka ah neerfaha ee Ruushku sameeyey.

Jarmalka, Faransiiska iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa ka dalbaday Aqalka Kremlin-ka sharaxaad ku saabsan xanuunka Navalny. Russia ayaa sheegtay in aysan arkin cadeymo sugan oo muujinaya in la sumeeyey, waxayna beenisay in ay ku lug lahayd weerar kasta oo ka dhan ah Navalny.

“Cunnaqabateyntu waa in had iyo jeer ay noqotaa mid bartilmaameed ah oo isku-dheelitiran. Laakiin xadgudubka noocaas ah ee ka dhanka ah Heshiiska Caalamiga ah ee Hubka Kiimikada ah loogama gudbi karo jawaab la'aan. Tanina waa mid ay Yurub ku mideysan tahay,” ayuu yiri Maas.

Jarmalka ayaa haatan haya xilka wareega ee madaxweynaha 27-ka dal ee xubnaha ka ah Modwga Yurub. Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa kulankooda oo dhacaya 15-16-ka bishan October waxa ay ka wada hadli doonaan falcelintooda iyo cunaqabateyn suuragal ah in ay ku soo rgaan Russia.

Kiiska Navalny ayaa sii xumeeyey xiriirka ka dhaxeeya Moscow iyo tiro ka mid ah wadamada reer galbeedka. Jarmalka ayaa wajahaya baaq ah in la joojiyo dhismaha dhuunta Nord Stream 2 ee dhamaadka ku dhow, taasi oo loogu talo-galay in gaas badan oo Ruushka ah si toos ah loo keeno Germany.

Mar la weydiiyay haddii cunnaqabateynta Yurub ee ka dhanka ah Ruushka ay ka mid tahay Nord Stream 2, ayuu Maas sheegay in ay jiraan in ka badan 100 shirkadood oo reer Yurub ah oo ku lug leh mashruucan, kuwaasi oo u badan shirkado laga leeyahay Germany.

“Shaqaale aad u badan oo Yurub u dhashay ayay dhibaato ka soo gaareysaa haddii la joojiyo dhismaha,” ayuu yiri Maas.

REUTERS

XS
SM
MD
LG