Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump iyo Xaaskiisa oo COVID-19 Laga Helay


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xaaskiisa Melania Trump laga helay xanuunka coronavirus.
Madaxweynaha ayaa farriin dhinaca twitterka ah oo uu soo diray 12:45 saqdii dhexe ka dib (Jimce), xiliga bari ee Maraykanka, arrintaas ku caddeeyey.

“Tonight, @FLOTUS and I tested positive for COVID-19. We will begin our quarantine and recovery process immediately. We will get through this TOGETHER!”
Madaxweynaha ayaa qoray “Marwada Koowaad ee Maraykanka iyo anigaba waxaa nagala helay COVID-19. Waxaanan durbaba bilaabaynaa kaarantiinkii hanaankii soo kabashada. Arrintan si wada jir ayaan uga gudbaynaa.”

Wixii warar ah ee ka soo kordha, kala soco voasomali.com.

Dhageyso Trump COVID-19
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00


XS
SM
MD
LG