WASHINGTON. D.C —
Dood si toos ah telefishanka looga daawaday ayaa Maraykanka ku dhexmartay madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka, Joe Biden.
Labadani nin ayaa ku tartami doona, doorashada madaxtinimada Mareykanka ee lagu wado in ay qabsoonto, saddexda bisha November ee sannadkaan.
Dooddaan ayaa aheyd tii ugu horreysay ee saddex dood oo Trump iyo Biden ay yeelan doonaan, ka hor inta aanan la gaarin doorashada. Warbixin iyo taxliilo ku saabsan dooddii xalay ka dhacday gobolka Ohio, ayaa waxaa noo haya Maxamed Colaad Xasan.