Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo wacad ku maray inuu taageeri doono Azerbaijan


Turkiga ayaa sheegay inuu ku taageeri doono Azerbaijan wax walboo daruuri ah iyadoo uu dagaalku u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia uu galay maalintii Saddexaad.

Isniintii ayaa waxaa la arkayay ciidamada Azeri iyo kuwa Armenia oo is weydaarsanaya madaafiic culus, ayada oo midba midka kale ku eedeynayo inuu billaabay dagaalka Axaddii.

Dagaalka ayaa ka socda gobolka Nargono Karabak ee dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin qowmiyado Armenian ah, waana kii ugu xumaa tan iyo 1990-meeyadii.

Warbixinnada goobjoogayaasha ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay, oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ka badan tahay 20 qof iyo ugu yaraan 100 dhaawac ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si deg deg ah uga hadlay taageeradiisa Azerbaijan, isaga oo ku tilmaamay Armenia inay tahay “halista ugu weyn ee nabada gobolka"

Erdogan ayaa ugu baaqay caalamka inay Azerbaijan ku garab istaagaan "dagaalka ay kaga so jordeedaan duulaanka iyo naxariis darrada."

XS
SM
MD
LG