Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Lebanon oo is-casilay markii uu dhisi waayay xukuumad


Lebanon prime minister
Lebanon prime minister

Ra’isulwasaaraha cusub ee dalka Lebanon Mustapha Adib ayaa maanta ku dhawaaqay in uu is-casilay, ka dib markii uu ku guul-darreystay dadaal muddo bil ah qaatay oo uu ku rabay in uu ku soo magacaabo golahiisa wasiirrada.

Arrintaan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaalkii ay dowladda Faransiisku ku dooneysay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Lubnaan ay xal deg-deg ah uga gaaraan qalalaasaha haatan ka taagan waddanka oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1990-kii.

Ra’isulwasaaraha is casilay Mustapha Adib, oo horayna u ahaa safiirkii Lubnaan ee dalka Jarmalka ayaa codka kalsoonida ka helay Golaha Baarlamaanka 31-kii bishi hore, ka dib markii uu magacaabistiisa ku taliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Faransiiska oo saameyn siyaasadeed ku leh Lubnaan ayaa ku dadaalaya sidii loo heli laa xukuumad si deg deg ah wax uga qabata musuq-maasuqa Lubnaan, islamarkaana dhaqan-gelisa is baddallada ay beesha caalamku dooneyso, si loo helo balaayiin dollar oo wax looga qabanayo dhaqaalaha liita ee Lubnaan.

REUTERS

XS
SM
MD
LG