Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo ogolaaday in acmaashii Cumrada dib loo bilaabo.


Dowladda Sacuudiga ayaa dhowaan ku dhawaaqday in dib loo bilaabi doono Cumrada oo muddo toddoba bilood ah aan la gudan. Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudi Carabiya, Saalax Benten, ayaa sheegay in wasaaraddu ka baaraan-degayso qorshe saddex waji ah oo lagu soo celinayo acmaasha Cumrada, sida ay ku warameen warbaahinta dowladda.

Wajiga koowaad ayaa lagu bilaabi doonaa dadka ku nool gudaha Sacuudiga gudashada Cumarda bilaabi doona 4-ta bisha dambe ee October, iyada oo Muslimiinta caalamkana loo fasixi doono 1-da November ee sanadkan.

Go'aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu wali dunida fara ba'an ku hayo cudurka COVID19. Xuseen Barre ayaa warbixintan ku eegaya qaabka loo bilaabi doono Cimrada iyo faahfahinta la xidhiidha.

Gudasha Cumrada oo dib u bilaabaneysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00


XS
SM
MD
LG