Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad militari oo ku burburtay Ukraine


holac iyo qiiq ka baxaya diyaaradda burburtay
holac iyo qiiq ka baxaya diyaaradda burburtay

Diyaarad kuwa militariga daabula ah oo siday ciidamada cirka ayaa fiidnimadii Jimcaha burburtay iyadoo uu holac ka kacay meel u dhow waddo weyn oo marta woqooyi bari dalka Ukraine, waxaana ku dhintay shilkaasi ugu yaraan 22 qof oo diyaaradda saarnaa, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Diyaaradda Antonov An-26 ayaa burburtay xilli ay isku dayeysay in ay caga-dhigato intii lagu guda jiray tababar militari, ayuu bayaan uu soo saaray ku sheegay Jeneraalka Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Ruslan Khomchak. Waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan laba qof oo kale ay si xun u dhaawacmeen.

Muuqaal uu bartiisa Facebook ku baahiyay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Anton Gerashchenko ayaa muujinayay diyaaradda oo ololeysa taallana dhulka, iyadoo uu qiiqu cirku isku sii shareerayay.

Sawirro la qaaday goor dambe ayaa muujiyay shaqaalaha gurmadka oo baaraya burburka diyaaradda meel u dhow magaalada Chuhuiv.

Waxaa bilowday baaritaan ku aadan waxa sababay in diyaaraddu ay burburto.

Adeegga Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa ku sheegay warbixin uu soo saaray in 27 qof ay saarnaayeen diyaaradda. Dadka diyaaradda saarnaa ayaa ahaa arday ka socotay Jaamacadda Kharkiv ee ciidamada Cirka, oo ay maamusho wasaaradda difaaca.

REUTERS

XS
SM
MD
LG