Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Kenyatta oo farriin u diray dalxiisayaasha


Madaxweynaha Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhiirigaliyay dalxiisayaashu in ay ku laabtaan Kenya, isaga oo sheegay in dalku ammaan yahay oo uu ganacsigu u furan yahay, xilli ay kiisaska coronavirus-ka ee dalkaasi saddex-jibaarmeen bishii la soo dhaafay.

Kenyatta ayaa sheegay in waddanku diyaar u yahay in uu soo dhoweeyo dadka gudaha iyo dibadda ka imanaya, isaga oo xusay in uu ku qanacsan yahay tallaabooyinka ay qaadday waaxda dalxiiska si looga ilaaliyo dalxiisayaasha in ay qaadaan cudurka COVID-19.

Kenyatta ayaa sheegay in dalxiisayaashu ay tahay in ay racaan tallaabooyinka taxadarka ah ee ku saabsan coronavirus, isagoo sheegay in qof walba looga baahan yahay in uu kaalintiisa ka qaato xakameynta faafitaanka cudurkan.

Tirada kiisaska cusub ee coronavirus ee Kenya ayaa sare u sii kacaysay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Kenya ayaa Sabtidii diiwaan gelisay 699 oo xaalado cusub ah, taasi oo tirada guud ee dadka uu soo ritay cudurka ka dhigaysa 25,837, waana tiradan ay qiyaastii saddex jeer ka badan tiradii kiisaska ee bil ka hor. Ilaa 418 ayaa u dhintay COVID-19 gudaha Kenya, sida ay muujinayaan tirakoobyada dowladda.

Xannibaadaha muddo bilooyinka ah saarnaa magaalada Nairobi, iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah ayaa la khafiifiyay bishii July.

Dalxiiska ayaa ah il ay Kenya ka hesho dakhli xooggan ayaa waxaa saameyn adag ku yeeshay tallaabooyinkii ay dowladdu qaadday ee xannibaadaha ahaa kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa in lagu xakameeyo faafista cudurka COVID-19.

AFP

XS
SM
MD
LG