Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Xukunkii Xabsiga ahaa ka Cafiyey Roger Stone


Roger Stone ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in Madaxweyne Donald Trump uu soo wacay si uu ugu wargeliyo in uu ka cafin doono xukunkiisa xabsi ee uu ku muteystay dambiyo la xiriira baaritaankii faragelinta Russia.

Stone ayaa sheegay in uu Jimcihii la hadlay madaxweynaha, wuxuuna Trump u sheegay Stone in uu aaminsan yahay in maxkamadeyntiisu ay ahayd "mid aan caddaalad aheyn.”

Tallaabadan ayaa imaneysa maalmo uun ka hor oo qorshuhu ahaa in Stone uu xabsiga iska xaadiriyo, waxaana dhaleeceeyay xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Madaxa Guddi-hoosaadka Sirdoonka ee Aqalka Wakiillada Adam Schiff ayaa canbaareeyey go'aanka Trumo, isaga oo sheegay in "Trump uu caddeeynayo in Ameerika ay ka jirto laba hannaan oo caddaaladeed: Mid saaxiibadiisa danbiyada galay ah iyo midda kale oo dadka kale ah."

Ku-xigeenka Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Senate-ka Mark Warner ayaa sido kale dhaleeceeyey xabsi ka cafinta Trump uu u sameeyey Roger Stone.

Stone ayaa lagu xukumay xabsi dhan saddex sano iyo afar bilood kadib markii lagu helay in uu been u sheegay koongareeska, farageliyey marqaatiyeyaasha, islamarkaana uu carqaladeyey baaritaanka Aqalka Wakiillada ay ku hayeen faragelintii Russia ee doorashadii madaxtinimada Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey in madaxweynuhu uu ka cafiyey Stone xukunkii uu xabsiga ku qaadan lahaa.

Xabsi ka cafinta ayaan tirtiri doonin danbiyada lagu xukumay Stone, laakin waxa ay ka ilaalin doontaa in uu waqti ku qaato xabsiga.

XS
SM
MD
LG