Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan oo ku dhowaaqday siidaynta maxaabiis horleh oo Taliban ah


president Ashraf Ghani
president Ashraf Ghani

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dowladiisa ay si dhakhso leh u siidayn doonto maxaabiista ku hartay ee Taliban si ay gacan uga geeysato hanaanka nabada ee uu horseedka ka yahay Mareykanka.

Ghani wuxuu u sheegay madal ay si wada jir ah u marti galinayeen xarunta South Asia iyo Machadka Mareeykanka ee Babada in hore loo sii daayay 3,000 oo ah maxaabiista xagjiriinta Taliban.

Kooxda Taliban ayaa iyaduna sii deeysay 550 maxaabiis oo ku jiray xabsiyada dhulka ay Taliban gacanta ku hayso.

Afhayeen u hadlay Kooxda Taliban ayaa ku amaanay Ghani iclaamintiisa isagoo ku tilmaamay tallaabo horumar wanaagsan ah, islamarkaana waddada usii xaareeysa billowga wada-hadallada Afghanistan.

Ergayga Mareeykanka ee dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad, oo wada-xaajoodka qayb ka ahaa waxna ka saxiixay heshiiska Taliban ayaa amaanya horumarka laga sameeyay isdhaafsiga maxaabiista.

Khalilzad ayaa xitaa soo dhaweeyey iclaaminta Taliban ee ah in ay diyaar u tahay in ay ka qayb-gasho wada-hadalkada nabadeed, iyadoo Talban ay sheegtay in ay ahayd ballan-qaad ku xusnaa heshiiska.

XS
SM
MD
LG