Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo difaacay cayaar uu cambaareyn kala kulmay


Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Isnintii shalay xusay askartii militariga Maraykanka, isaga oo sidoo kale difaacay in maalmahan fasaxa ah badankooda uu ku qaatay ciyaarista ciyaarta golf-ka, xilli dadka u dhinta xanuunka Coronavirus ee dalka ay ku dhow yihiin boqol kun oo qof.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka waxa uu warbaahinta qaarkeed ugu yeeray mid been ah, isla markaana gabi ahaanba musuq-maasuq ah.

Waxa uu sheegay in xoogaaga jimicsiga ah ee uu sameynayo ay ka dhigayaan dambe aan laga soo waaqsan. Waxa uu yiri “waan ogaa in tani dhacayso.”Iisaga oo intaas ku daray in tani ay tahay markii ugu horreysay ee uu golf ciyaaro, muddo 3 bilood ku dhow.

Intii uuna xilka qaban, waxa uu si is xig-xigta uu dhaleeceeyey madaxweynihii isaga oo ka horeeyey Barack Obama in uu Golf iska ciyaari jiray, sida uu markii uu jiray xanuunka Ebola sanadkii 2014-kii.

XS
SM
MD
LG