Agaasimaha sheybaarka sida weyn loo ilaaliyo ee dalka Shiinaha ayaa beeniyay warar la isla dhax marayay oo sheegaya in asalka iyo halka uu cudurka Coronavirus ka dhashay uu yahay sheybaarkaasi.
Wararka arrintani la xiriira ayaa sheegaya in cudur-sidaha keenay Covid-19 uu ka soo bilowday Machadka Wuhan Institute of Virology, gaar ahaan Sheeybaarkiisa P4 ee maareeya cudur-sidayaasha halista ah.
Wareysi uu siiyaya warbaahinta dowladda Shiinaha oo lasii daayay Sabtidi shalay, ayuu Yuan Zhiming oo ah agaasimaha sheybaarka sida weyn loo ilaaliyo ee P4 ku sheegay in aysan suurtagal aheyn in cudurka uu iyaga xagooda ka yimid.
Xukuumadda Beijing ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadis kaga imanaya caalamka oo ku aadan in aysan xog waafi ah la qeybsan aduunyada, markii uu xanuunka ka baliwday dalkeeda.
Dowladda Mareykanka ayaa hadda baareysa in cudurka uu ka soo bilowday sheybaarka Fayrasyada ee Shiinaha iyo in kale. Laakin saynisyahannada Shiinaha ayaa ku adkeysanaya in cudur-sidaha ay u badantahay inuu ka yimid suuq lagu iibiyo hilibka xayawaanka duur-joogta ee magaalada Wuhan.
Tirada dadka qaaday cudurka Caronavirus ayaa Axada maanta ah kor u dhaafray 2 milyan iyo 3 boqol oo kun oo qof, iyadoo tirada dadka u dhintay xanuunka ay gaartay 160 kun oo qof, dunida oo dhan, sida ay sheegtay xarunta cilmibaarista Coronavirus ee Jaamacadda Johns Hopkins.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegaya in dhowr gobol oo ka mid ah Mareykanka ay furi doonaan dhaqdhaqaaqyada ganacsiyada, iyadoo si taxaddar uu ku jiro looga dhowrsan doono cudurka coronavirus.
Gobollada Texas iyo Vermont ayaa Isniinta berrito ah ogolaan doona in dib loo billaabo ganacsiyo qaar, halka gobolka Montana uu ku xigsan doono Jimcaha.
Madaxweyne Trump oo xalay wariyaasha kula hadlayay Aqalka Cad, ayaa sheegay in hadda la dhaafay waqtigii ugu darneyd ee Coronavirus ee gudaha Mareykanka, balse ma uusan bixin daliil cad oo taasi muujineysa.
Cilmi-baarayaasha Jaamacadda Harvard ayaa ka digay in Mareykanka uu dib u furo suuqyada dhaqaalaha, hadii aysan dowladda saddex jibaarin baaritaanka Caronavirus.