Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rwanda oo Xirtay Xuduudeheeda Cabsida Corona-virus Awgeed


Dhowr waddan oo oo ka tirsan Qaaradda Africa ayaa soo tebiyey in laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee cudurka Corona Virus. Dalalka Eritrea iyo Uganda ayaa ah kuwii ugu danbeeyey ee soo wariyey in kiisaskii u horreeyey ay dalkooda ka heleen.

Eritrea waxa ay sheegtay in muwaadin ka soo laabtay dalka Norway laga helay xanuunkaasi, haatanna uu ku jiro goob dadka loogu talogalay in lagu karantiilo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in haatan kiisaska cudurkaasi ee qaaradda Africa ay ka badan yihiin kun kiis.

Dhinaca kale, waddamada Africa qaarkood ayaa qaadaya tallaabooyin adag oo ay ku xakamaynayaan cudurkan, waxaa ugu horreeya waddanka Rwanda oo shalay ku dhowaaqay inay xireyso xuduudaha waddankaasi. Rwanda waxa ay sheegtay in qofkii soo gala dalkeeda uu muddo 14 maalmood ah lagu hayn doono karantiil.

Haddaba xaaladda dalka Rwanda ayaa Nuur Bukhaari uu ka wareystay Isxaaq Jaamac Aw-Maxamed oo ah nin Soomaali ah oo ku nool waddankaasi, ugu horreyn wuxuu Isxaq faah-faahinayaa warka kasoo baxay madaxweynaha Rwanda ee ku saabsan Coronavirus.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:30 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG