Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sida lagu garto Coronavirus iyo sida looga hortagi karo


Italy Virus Outbreak
Italy Virus Outbreak

Cudurka Coronavirus ayaa kusii faafaya dalal badan oo caalamka ka mid ah, ayada oo la xaqiijiyey in ka badan 5,000 oo qof oo cudurkaas u geeriyooday.

Cudurkan ayaa sidoo kale soo gaaray dalka Soomaaliya, ayada oo dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.

Haddaba waxa uu yahay cudurkan, sida uu ku faafo iyo sida looga hortagi karo ayaa Haarun Macruuf waxa uu ka wareystay Dr. Mustafa Cali Maxamed oo wax ka barta dalka Iran.

Sida lagu garto Coronavirus iyo sida looga hortagi karto
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00


XS
SM
MD
LG