Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Qarax lagu la'day oo ka dhex dhacay Masjid


Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Afghanistan, xilli ay socotay salaaddi Jimcaha, sida ay saraakiil sheegeen.

Weerarkaasi ayaa imaanaya maalin un ka idb markii QM ay sheegtay in fowdada dalkaasi ka jirta ay gaartey heer aan la aqbali karin.

Qaraxa, oo sida ay goob joogayaal sheegeen sababay in uu masjidka soo dumo, ayaa ka dhacay gobolka bariga ku yaalla ee Nangarhar, waxana ku dhaawacmay 55 qof oo kale, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay maamulka gobolka Attaullah Khogyani, oo AFP la hadlay.

Khogyani ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay ay masjidka u tageen inay salaadda khudbada ku soo dukadaan, gaar ahaan deegaanka Haska Mina oo 50 KM u jirta caasimadda gobolka ee Jalalabad.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo aan illaa iyo hadda la shaacin nooca uu ahaa.

Gobolka, ayaa waxaa a howl-gala kooxda Taliban iyo kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee Daacish .

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG