Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qatar oo difaacday hawlgalka Turkey ee Syria


Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani
Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani

Qatar ayaa difaacday hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah dagaal-yahannada Kurdish-ka ee Waqooyiga Syria, ayada oo sheegtay in Ankara ay u dhaqaaqday inay ka hortagto “halis kusoo wajahneyd”.

Turkey ayaa Qatar ka caawisay inay ka bad-baaddo saameynta xayiraadda dhaqaale ee laba sano jirsatay ee ay saareen xulufo Sacuudiga uu hoggaamiyo.

“Eedda oo idil ma saari karno Turkey” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani oo ka hadlay kulanka Madasha Amniga Dunida ee lagu qabtay Doha.

Wasiirka ayaa sheegay in Ankara lagu qasbay inay ka jawaabto “halis lama huraan ah oo kusoo wajahneyd amniga Turkiga”.

“Markii hore Turkey waxay tiri ‘ha teegeerinna kooxahan’,” ayuu yiri Mohammed isaga oo ula jeeda kooxda YPG ee Kurdiyiinta Syria.

“Cidna ma dhageysan. Waxay isku dayayeen muddo sanad ah inay arrintan xal kala gaaraan Mareykanka, oo ay abuuraan aag amni, si ay halista uga dhaqaajiyaan xuduuddooda.”

Ankara ayaa sheegta in YPG ay tahay “garab argagixiso” oo ku xiran kooxda dalkaas laga mamnuucay ee PKK, oo tan iyo sanaddii 1984-kii wadday dagaal muqaawamo oo ka dhan ah dowladda Turkiga.

“YPG iyo garabkeeda siyaasadeed ee PYD waa laan ka mid ah PKK, oo ay urur argagixiso u aqoonsan yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, Turkey – iyo cid walba” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar.

AFP

XS
SM
MD
LG