Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdiyiinta oo isbahaysi la sameystay dowladda Syria


Ciidamada Syria ayaa maanta galay magaalo ku taalla meel ku dhow xuduudda Turkiga, maalin kadib markii ay dowladda heshiis la gaartay Kurdiyiinta, si looga hortago howl-galka Turkiga.

Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada ay dhaqdhaqaaqyo ka samaynayaan magaalada Tal Tamr oo 20km u jirta xuduudda Turkiga.

Waxay sheegtay in ciidamada ay qaadeen tallaabadan “si loo hor-istaago gardarrada Turkish-ka” ayna soo dhoweeyeen shacaka halkaas ku sugan.

Heshiiskan aan caadiga ahayn ee ay gaareen Kurdiyiinta, Syria, iyo Ruuska -- xulufada ugu weyn ee dowladda Syria – ayaa yimid afar maalmood kadib markii ciidamada Turkiga ay waqooyiga Syria ka billaabeen howlgal ka dhan ah Kurdiyiinta, kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka.

“Si looga hortago oo loo joojiyo duullaankan, heshiis ayaan la gaarnay dowladda Syria, oo waajibkeedu yahay inay ilaaliso xuduudaha iyo madax-bannaanida Syria, si ciidamada Syria u tagaan xuduudda ku teedsan Turkiga,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan ay soo saareen Kurdiyiinta.

Kurdiyiinta Syria ayaa sheegay inay dareemayaan in Mareykanka uu cidleeyey kadib markii ay kala dhinac dagaalameen xagjiriinta Daacish ee Syria.

Madaxweyne Donald Trump ayaa shalay amray in dhammaan ciidamada Mareykanka ee ku harsanaa waqooyiga Syria ay ka baxaan halkaas.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG