Baaritaankii Turkigu waday ee ku aadanaa wariyihii Sacuudiga ee lagu waayay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul Jamal Khashoggi ayaa shaaca ka qaaday waxyaabo ay duubtay saacad nooca ay sameyso shirkadda Apple, oo muujinaya in la jirdilay ka dibna la qaarajiyay.
Dhinaca kale, boqortooyada Sacuudiga ayaa beenisay dilka wariye Khashoggi. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Cabdul Casiis Bin Sacuud ayaa eedeyntan ku tilmaamay “been” lagu sharaf dilayo Sacuudiga.
Labo warbixinood oo arrintaas ku saabsan waxaa inoo haya Nuur Bukhaari iyo Xuseen Cusmaan Saxnuuni.