Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Miguel Diaz-Canel oo Noqdey Madaxweynaha Cuba


Miguel Diaz-Canel ayaa loo doortay madaxweynaha xiga ee Cuba, kaas oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Cuba ay yeelato muddo 60 sano ah, kana baxsan qoysaka reer Castro.

Diaz-Canel, oo 57 jir ah, ayaa ahaa musharrixi kaliya ee xilkaasi isku soo taagay, waxana uu ku guuleystay in uu shan sano waddankaasi hoggaamiyo, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Tallaabadan ayaan la filayn inay is baddal ku keento dhabbihii maamul ee dalkaasi, waxana dhaarantiisa oo Khamiistii dhacday uu sheegey, Diaz-Canel, in uu sii wadi doono tubtii ay jeexeen reer Castro.

Dowlada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka doorashadani ay uga dhaceyso Cuba. Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert, ayaa sheegtay in maamulka Trump uu ka wal-wal-san-yahay hannaanka doorashada oo ay sheegtay in aysan aheyn mid dimoqraadi ah.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka kala wareegi doona Raul Castro oo ah 86 sano-jir. Castro ayaa xakumay Cuba 10-ki sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu xilka kala wareegay walaalkiis, madaxweynihi hore ee Cuba, Fidel Castro oo Cuba xakumayay inti u dhaxeysay 1959 ilaa 2006.

XS
SM
MD
LG