Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dimuqraaddiga oo Guul ka Sheegtay Doorashadii Pennsylvania


Musharaxii xisbiga Dimuquraadiga ee tartanka doorashada Kongereska ee deegaan ku dhow magaalada Pittsburg, gobolka Pennsylvania ayaa guul ka sheegtay doorashada Kongress-ka ee shaley ka dhacdey gobolkaasi.

Arrinta xiisaha u yeeleyso doorashadan gaarka ah ayaa waxay tahay, iyadoo gobolkaasi oo ay ku xoogganaayeen taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga, ayna adkeyd in uu ku soo baxo qof Dimuqraaddi ah muddo sanado ah.

Waxa sidoo kale gobolkaasi codad 20 ka badan uu kaga guuleystay doorashadii madaxtinnimada Donald Trump musharrixii la tartameysay ee Hillary Clinton, sanadkii 2016-dii.

Conor Lamb ayaa la sheegay in uu guuleystey xaley, balse si rasmi ah wali lama shaacin cidda guusha gaartay.

Intii wali tirinayey codadka dadka maqan ee horey u codeeyey ama soo direy codadkooda, ayaa codadki la tiriyey waxaa hoggaaminayey musharaxa xisbiga Jamhuuriga, Rick Saccone.

Conor Lamp oo 33 jir ah horeyna uga mid ahaa ciidamada Mareykanka, ka dibna noqdey xeer ilaaliye ayaa qudbadiisi guusha ka hor akhriyey taageerayaashiisa xaley.

Qofka ku guuleysta kursigaasi ayaa baddali doona Tim Murphy oo Jamhuuri ahaa, iskana casiley sanadkii hore kursiga xildhibaannimo, kadib markii ay ku soo baxdey fadeexad la xiriirta gogol dhaaf.

XS
SM
MD
LG