Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sirdoonka: Ruushku Doorashadii wuu Faragaliyay


Madaxda Hay'addaha Sirdoonka Maraykanka ayaa Khamiistii shalay ka marag kacay in caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in Ruusku uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee bishii November ka dhacday Maraykanka.

Laakiin madaxdan waxay sheegeen insan sheeg karin in faragelintaas ay caawisay guushii Donald Trump uu ku guuleystay madaxtinimada Maraykanka.

James Clapper, agaasimaha sirdoonka qaranka ayaa sheegay in Ruushku uu hore u farageliyay doorashooyinkooda, iyo kuwo kaleba, laakiin wuxuu sheegay inaanay hore u arkin ololahan tooska ah ee ay ku faragaliyeen geedi-socodka doorashada, ee ay ku sameeyeen doorashada Maraykanka.

Hadalkan madaxda ayaa ka hor-imanaya dhaliilaha madaxweynaha la Doortay ee Donald Trump oo isagu dhaliilsan soojedinta Sirdoonka Maraykanka ee ku aadan in Mosco ay doorashada faragelisay.

XS
SM
MD
LG