Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti Caalami Ah Oo Maanta Tegaya Gambia


Yahya Jammeh

Hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa maanta tegaya dalka Gambia ayaga oo billaabaya dadaal ay uga dhaadhicinayaan madxweynaha muddada fog talada haya ee Yahya Jammeh inuu xilka ka dego kadib markii looga adkaaday doorashadii dhacday 1-dii December.

Jammeh ayaa markii hore aqbalay in doorashada uu uga adkaaday Adama Barrow, hase yeeshee waxa uu taas ka laabtay Jimcihii isaga oo sheegay in saraakiisha guddiga doorashada ay heleen “Qaladaad aan la aqbali karin”.

“Toddobaadkan waxa aan fulineynaa baaritaan aan ku ogaaneyno sababta tiro aad u badan aysan u codeyn. Baarayaasha waxay shaaca ka qaadeen in meelaha qaar cod bixiyayaasha loo sheegay in mucaaradka ay guuleysteen, sidaa darteedna loo baahneyn inay codeeyaan” ayuu yiri Jammeh.

Waftiga tagaya caasimadda Gambia ee Banjul ayaa waxaa hoggaamin doona madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf, oo ay wehliyaan madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, hoggaamiyaha Sierra Leone Ernest Bai Koroma iyo madaxweynaha xilka kasii degaya ee Ghana John Mahama.

Jammeh ayaa hayey xukumayey dalka aadka u yar ee galbeedka Afrika tan iyo markii uu xukunka kula wareegay afgambi milatari oo dhacay sanaddii 1994-kii. Waxa uu kadib ku guuleystay afar doorashao oo isku xigay.

Barrow ayaa matalayey isbaheysi ka kooban toddoba xisbi oo mucaarad ah oo la loolamay Yahye Jammeh.

XS
SM
MD
LG