Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Syria: Russia oo Xabad Joojin 48 Saac ah Dooneysa


Sergei Ryabkov
Sergei Ryabkov

Russia ayaa maanta sheegtay inay taageereyso xabad joojin 48 saac ah oo ka dhaqan gasha magaalada ku taaalla waqooyiga Syria ee Xalab, balse aysan dooneyn xabad joojin intaas ka dheer oo Mareykanka uu soo jeediyey.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Russia Sergei Ryabkov, ayaa sheegay in xabad joojin socota muddo toddobaad ah ay mintidiinta siin doonto waqti ay dib isugu abaabulaan kuna helaan rasaas cusub.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry uu dhigiisa Russia Sergei Lavrov u sheegay in Washington ay isku diyaarineyso inay joojiso wada shaqeynta Moscow ee Syria, ilaa ay ka ogolanaeyso in la joojiyo dagaalka ka socda Xalab, lana dhaqan geliyo xabad joojintii la isku raacay 9-kii September.

Labada dal ayaa marar badan isku dayey intii uu socday dagaalka Syria ee shanta sano inay saameynta ay ku leeyihiin dhinacayada isku haya halkaas u adeegsadaan inay xabad joojin dhaqan geliyaan.

XS
SM
MD
LG