Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir Xooggan oo ku Dhuftay Talyaaniga


Italy Quake
Italy Quake

Dhulgariir xooggan ayaa maanta ruxay bartamaha dalka Talyaaniga, kaasi oo sababay waxyeello xooggan islamarkaana dilay ugu yaraan 37 qof.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2 wuxuuna ku dhuftay dhul dhan 10 km, oo dhinaca koonfurta bari ka xiga magaalada Norcia.

Dhulgariirka ayaa waxaa sidoo kale laga dareemay qeybo badan oo ka mid ah gobolka, oo 150 km u jira magaalada Rome.

Dhulgariirka ayaa waxa uu dhacay 3:30 subaxnimo, waxaana xigay dhowr ruxitaan oo kooban.

Meelaha uu sida xooggan u saameeyey ayaa ah labada magaalo ee Amatrice iyo Accumoli.

Shaqaalaha gargaarka ayaa saaka ku baxay halka uu dhulgariirka ku dhuftay, ayaga oo isku dayaya inay badbaadiyaan dadka ku hoos jiray dhismayaasha soo dumay.

XS
SM
MD
LG