Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICC oo Joojinaysa Baarista Danbiyada Darfur


Maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ICC ayaa hakisay baaritaannada danbiyada dagaal ee ka dhacay gobolka Darfur ee dalka Sudan kuwaasi oo loo haysto saraakiil kuu ku jiro madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan al-Bashiir.

Dacwad-oogaha Maxkamadda ICC, Fatou Bensouda ayaa golaha Amniga ee QM ka sheegtay inay joojinayso baaritaanka gabood falyadii ka dhacay Darfur ee loo haysto Cumar al-Bashiir, sababo ay ugu wacan tahay iyadoon qofna cadaallada loo horkeenin tobbankii sannadood ee la soo dhaafay, sidoo kalena aanu Golaha Amnigu qaadin talaabo uu maxkamadda arrintaasi kaga caawinayo.

Bensouda, waxay sheegtay in xaaladda Darfur ay ka sii dareyso, oo danbiyada arxan-darraduna ay sii kordhayaan, laakiin aanayn jirin wax dooddo ah oo golaha amnigu arrintaasi ka sameeyay si loo helo “xal la taaban karo”

ICC ayaa sannadkii 2009 dacwad ku soo oogtay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay maxkamaddu sheegtay inuu ku lug lahaa danbiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay Darfur, sidoo kale maxkamaddu waxay danbiyadaasi ku soo oogtay Wasiirrada difaaca iyo arrimaha gudaha ee dowladda Sudan iyo hoggaamiyahaha maleeshiyada Janjaweed Ali Kushayb. Balse dhamaantood cidna looma soo qaban danbiyadaasi.

Maxkamadda ICC ayaa sannadkii 2010 waxay Sudan u gudbisay Golaha Amniga kaddib markii ay dowladdu iskaashi la sameyn weyday ICC.

Dalalka Djibouti, Kenya, DRC, Malawi iyo Chad ayaa iyagana maxkamadda ICC ay u gudbisay golaha Amniga kaddib markii ay ku guul-dareysteen inay xidhaan Cumarn Xasan Al-Bashiid wakhtiyo uu uu dalalkaasi booqanaya, balse golaha amniga ayaan wax talaabbo ah arrimahaasi ka qaadin.

Madaxweynaha Sudan, Cumar al-Bashiir ayaa diiday inuu aqoonsado awoodda maxkamadda ICC, wuxuuna si xor ah ugu dhex-safraa wadaadamada Africa oo qaarkood qeyb ka ah, sharciga iyo qaanuunka lagu sameeyey maxkamadda ICC, balse iyagu diiday inay xidhaan madaxweyne Al-Bashiir.

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni oo shalay ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dalalka Africa inay gabi ahaanba ka ka baxaan maxkamadda ICC.

"Waxaan ICC ka keeni doono mooshin kulan soo socda ee Midowga Africa uu yeelan doono, waxaan doonayaa in dhamaan dalalka Africa ay ka baxaan maxkamadda reer Galbeedka"

Maxkamadda ICC ayaa toddobaadkii hore laashay dacwaddaha loo haysto madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, hasse yeeshee waxaa wali maxkamadda ka socda dacwad ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Rutto oo loo haysto lugtii uu ku lahaa qalalaaso dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Kenya doorashadii 2007-dii dalkaasi ka dhacay.

XS
SM
MD
LG