Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Ukraine oo Doorasho Qabtay


Mucaaradka Gooni-u goosadka ah ee ka arrimiya bariga dalka Ukraine ayaa maanta oo axad ah bilaahay codbixinta doorasho muran badan dhalisay taas oo Xukuumadda Kyiv iyo wadamada reer galbeedku ay sheegayaan inaanay aqoonsanayn.

Kooxaha Goonni u goosatada ee Ruushka Taageersan oo inta badan gacanta ku haya bariga dalka Ukriane gaar ahaan gobollada Luhansk iyo Donetsk ayaa qabanaya doorasho ay ku soo xulanayaan hoggaankooda iyo weliba gole sharci dejineed oo gobolladan ka arrimin doona.

Midawga Yurub iyo Maraykanka ayaa codbixintan ku macneeyey mid aan sharci ahayn, iyaga oo leh waxay xadgudub ku tahay dastuurka dalka Ukraine iyo weliba heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee la gaadhay bishii sagaalaad 5-teedii, waxaana heshiiskaas wada gaadhay xukuumadda Ukraine iyo weliba kooxaha mucaaradka ah.

Dalka Ruushka ayaa isagu sheegaya inuu aqoonsan doono natiijooyinka ka soo baxa doorashada ay qabanayaan kooxaha goonni-u-goosatada ahi. Hoggaamiyayaasha midawga Yurub ayaa u soo jeediyey dalka Ruushka inaanu aqoonsan natiijada ka soo baxda doorashadaas.

XS
SM
MD
LG