Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Ruux Kale oo Laga Daweynayo Ebola


Isbital ku yaalla Mareykanka ayaa isku diyaarinayaa inuu daweeyo qofkii 3aad ee u dhashey Mareykanka ee xanuunka Ebola ka qaadey Galbeedka Africa.

Emory University Hospital oo ku yaalla Atlanta ayaa sheegay inuu rajeynayo in bukaankaasi uu maanta soo gaaro.

Hase yeeshee isbitalku maanu shaacin magaca qofkan bukaanka ah.

Bishii hore isbitalkan waxaa uu ku guuleystey inuu daweyo laba ruux oo ka mid ah shaqaalaha samafalka oo cudurka Ebola ka qaadey dalka Liberia.

Gobolka Nebraska ayaa waxaa lagu daweynayaa ruuxii afraad ee American ah oo uu ku dhacay xanuunka Ebola.

Xanuunka Ebola ayaa tan iyo markii uu ka dilaacay Galbeedka Afrika waxaa uu dalalka Guinea, Sierra Leone, Liberia iyo Nigeria ku diley in ka badan 2,000 oo qof.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaley sheegtay in virus-ka Ebola uu si xawli ah oo xoog badan ugu fidayo Liberia, isla markaana la filayo in toddobaadyada soo socda ay kumanaan qof oo kale qaadi doonaan.

Kala bar dadka ku qaadey xanuunkan iyo kuwa u dhintey ayaa u dhashey dalka Liberia.

XS
SM
MD
LG