Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Burburisey Guryo ku Yaalla Gaza


Ciidamada Israeli ayaa burburiyey guryaha laba ruux oo Falastiini ah oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen afduubka iyo dilka saddex dhalinyaro Israeli ah bishii June, taas oo sababtey dagaalka ay in ka badan 2,000 oo qof ay ku dhinteen.

Ciidamada ayaa sheegay inay guryahaasi burburiyeen maanta oo Isniin ah, isla markaana ay ku hareereysan yihiin guriga nin saddexaad oo laga shakisan yahay.

Mid ka mid ah raggaasi, Hussam Kawasma, ayaa xabsiga loo taxaabey bishii July, halka labada kale aan la ogeyn meesha ay ku sugan yihiin.

Burburinta guryahan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay soo dhowaatey muddadii ay ku ekeyd xabad joojin shan maalmood soconeysey oo labada dhinac ay gaareen, wallow labada dhinac ay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis xabbad joojin oo si rasmi ah dagaalka loogu joojinayo.

Heshiiska xabbad joojinta ee ku meel gaarka ah ayaa ku eg maanta oo Isniin ah.

XS
SM
MD
LG