Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Dacwad ku Oogay Askar Shiine ah


Dalka Maraykanka ayaa eedeeyey xubno ka mid ah militariga dalka Shiinaha in weerar dhinaca internetka ay ku qaadeen shirkado ganacsi oo dalka Maraykanka laga leeyahay.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Eric Holder ayaa shir jaraa’id oo uu Isniintii shalay qabtay ku sheegay faahfaahinta eedeymahan.

Waa markii ugu horeysay ee dawladda Maraykanku ay eedeymo dambiilenimo u jeediso shaqaale dawlad kale.

Eedeymahan ayaa xurguf dhex dhigaya labada quwadood ee dhinaca dhaqaalaha dunida ugu waaweyn.
XS
SM
MD
LG