Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Booliska oo Xiray in ka Badan 600 oo Qof


Residents jostle to see the slain body of a man inside a police pick-up truck near the scene of an explosion along Juja Road in the Kenyan capital Nairobi, March 31, 2014.
Residents jostle to see the slain body of a man inside a police pick-up truck near the scene of an explosion along Juja Road in the Kenyan capital Nairobi, March 31, 2014.
Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo qabqabtey in ka badan 650 qof kadib qaraxyo ka dhacay xaafadda Eastleigh oo ay lix qof ku dhinteen maalintii Isniinta.

Wargeysyada Kenya ayaa sheegay in boolisku ay xilli habeen ah hawlgal baaritaan ah ka fuliyeen xaafadda Eastleigh oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo muhaajiriin ah.

War uu soo saarey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Lenku ayaa waxaa qaraxyadaasi lagu tilmaamey inay ahaayeen kuwo waxashnimo ah, isla markaana hawgallada amniga ay sii socon doonaan ilamaa laga soo qabto kuwii ka dambeeyey qaraxyadan.

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dhaawacay qaraxyadan, kuwaas oo lala beegsadey laba makhaayadood iyo iridda hore ee xarun caafimaadka haweenka qaabilsan oo Eastleigh ku wada yaalla. Ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarkan.

Horey ayaa kooxda Al Shabab ee dalka Somalia waxay ugu hanjabtey inay Kenya weerari doonto haddii aaney ciidamadeeda kala soo bixin koonfuurta Somalia.

Al Shabab ayaa horey u sheegatey mas’uuliyadda weerarkii bishii September lagu qaadey xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi, kaas oo ilaa 67 qof ay ku dhinteen.
XS
SM
MD
LG