Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ugu yaraan 13 Qof oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Pakistan


Saraakiisha Waqooyi galbeed Pakistan ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay meel suuq ah ay ku dhinteen 13 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen tira kale oo badan.

Masuuliyiintu waxa ay sheegayaan qaraxaasi oo shalay ka dhacay degaanka la yirahdo Darra Adam Khel ayaa sida muuqata lagu bartilmaameedsaday maleeshiyo dowladda taabacsan oo loo abuuray inay la dagaalamaan mintidiinta Taalibaan.

Weli ma jirto cid sheegatay weerarkaasi ismiidaaminta ah.
XS
SM
MD
LG