Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA Oo Ka Walaacsan Xaalada Dalka Burundi


Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in ka walaacsan tahay wararka sheegaya xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay “Si qoto dheer uga walaacsan tahay” warbixinada ka imanaya Burundi ee sheegaya in xadgudubyo darran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay dalkaas ka dhaceen, sagaalkii bilood ee ay jireen xasaradaha siyaasadeed.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda, Mark Toner, ayaa talaadadii soo saaraay bayaan ugu baaqay dowladda Burundi “Inay ogolaato baaritaan deg deg ah oo aan eex lahayn, oo lagu sameeyo xadgudubyadan, islamarkaana lagula xisaabtamo kuwa lagu helo inay mas’uulka ka yihiin”.

Toner waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Burundi “Inay ogolaato in si deg deg ah dalkaas ay u tagaan kormeerayaal xuquuqda aadanaha ah oo ka socda Midowga Afrika, si ay u baaraan eedeymahan”.

Warbixino dhowr ah oo sheegayey kufsi ka dhan ah haweenka, oo ay fuliyeen ciidamada amniga, jirdil, dilal qorsheysan iyo xabaal wadareedyo la helay, ayaa ku qasbay madaxa xuquuqda aadanah ee QM, Zeid Ra’ad inuu ku dhowaaqo inuu ka cabsi qabo in Burundi ay burbur foodda la gasho.

Burundi ayaa bishii tagtay waxa ay diiday yabooh ka yimid Midowga Afrika oo doonaya in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka kooban shan kun oo askari loo diro dalkaas.

XS
SM
MD
LG