Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa Fashiliyey Shirkii Kismaayo?


Jabril Ibrahim Abdulle
Jabril Ibrahim Abdulle

Guddoomiyaha hay'adda CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa VOA uga warramay waxyaabaha keenay in heshiis la gaari waayo.

Toddobaadkan waxaa magaalada Kismaayo ka qabsoomay shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo weliba mas’uuliyiinta ugu sarraysa maamul goboleedada dalka.

Shirkan ayaa la filayey in go’aan looga gaadho nooca doorasho ee Soomaaliya gelayso sannadkan dhammaadkiisa, hase ahaatee shirkaasi wuxuu soo xidhmay iyada oo aan isfaham laga gaadhin.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay shirka, ayaa waxa ay sheeegeen in kulano dambe la isugu soo noqon doono, oo mar kale arrintan laga hadli doono.

Haddaba maxay yihiin aragtiyaha miiska yaalla ee laga doodayo? Maxaase keenay in shirkaas is-faham laga gaadhi waayo?, Arrimahan ayaa weriyaheena VOA ee Baydhabo Mukhtaar Maxamed Catoosh waxa uu ka wareystay Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah guddoomiyaha hay’adda CRD.

Wareysi: Jibriil Ibraahim Cabdulle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00

XS
SM
MD
LG