Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in labo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen kadib dagaal xooggan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Beerxaani.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamo ajnabi ah oo wata diyaarado dagaal iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Sshabaab.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ciidamada watay diyaaradaha dagaalka, oo aan illaa iyo hadda la ogeyn dalka ay u dhasheen, ay kaxeysteen qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ka sokow, waxaa sidoo kale jiray duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ku qaadeen fariisamaha koxoda Al-Shabaab.

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka shisheeyaha ayaa dhowaanahan kusii kordhayey deegaanada hoos taga gobolka Jubbada Hoose.

XS
SM
MD
LG