Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Oo Farriin U Diray Madasha


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Baarlamanka Soomaaliya, ayaa ugu baaqay madasha wada-tashiga qaran inay la yimaadeen qorshe doorashao oo dalka uu qaato.

Kulan ay Maanta Baarlamaanka Soomaaliya yeesheen ayaa waxaa loo soo jeediyay Golaha Madasha Wada-tashiga Qaran ee ku kulansan Muqdisho in ay la yimaadaan qaabka ugu haboon ee lagu hagi karo siyaasadda Soomaaliya 2016-ka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeedintaasi cod u qaaday, iyadoo 152 Mudane oo Kulanka joogtay ay dhammaan "Haa" ugu codeeyeen.

Barlamanka ayaa sidoo kale uga digay siyaasiyiinta Soomaalida ee shirkan Madasha in go’aamada ay soo saarayaan aysan noqon kuwo wax u u dhimaya midnimada iyo xasiloonida dalka.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Magaalada Muqdisho uu wali ka socda Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee lagu Go’aaminayo Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa Dabayaaqada sanadkaan.

XS
SM
MD
LG