Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: 'Dalka Ugu Musuq-Maasuqa Badan'


Qariiradaha Soomaaliya (Bidix) iyo Korea-da Woqooyi (Midig)
Qariiradaha Soomaaliya (Bidix) iyo Korea-da Woqooyi (Midig)

Hay’adda Transparency International ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Korea-da Woqooyi ay yihiin dalalka ugu musuq maasuqa badan adduunka

Warbixin cusub ayaa u diiwaan gelisay Soomaaliya, Korea-da Woqooyi iyo Afghanistan inay yihiin dalalka ugu musuq maasuqa badan adduunka.

Hay’adda Transparency International, ayaa arbacada (1/27/2016) baahisay warbixinteeda sanadlaha ah, ayada oo isku helleeneysa wax ay ugu yeertay fikradaha khuburo ka kala socda adduunka oo cabiray heerka musuq maasuqa ee qeybta dhaqaalaha ay dowladaha maamulaan.

Dalalka ayaa lagu cabiray dhibco u dhaxeeya 1 illaa 100, ayada oo dhibcaha yar ay la macno yihiin musuq maasuq badan.

Soomaaliya iyo Korea-da Woqooyi ayaa warbixinta ay siisay 8 dhibic midkiiba, halka Afghanistan ay heshay 11, taasi oo macanaheedu yahay in Soomaaliya iyo Korea-da Woqooyi ay wadaagaan kaalinta koowaad ee dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka.

Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 91 helay dalka Denmark, halka Finland iyo Sweden ay heleen 90, kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar.

Dalka Mareykanka ayaa warbixinta ay siisay 76 dhibcood.

Hay’adda Transparency International, ayaa sheegtay in 6 bilyan oo qof oo ah badi dadka adduunka ay ku nool yihiin dalal musuq maasuq xooggan uu ka jiro.

XS
SM
MD
LG