Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia Oo Xeerka Dawooyinka Ansixisay


Wasiirka Caafimaadka Xaawa Xasan
Wasiirka Caafimaadka Xaawa Xasan

Xeerka cusub ayaa waxa uu maamuli doonaa oo uu hubin doonaa dawooyinka la keeno dalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo tayadooda, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan.

Golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay meel-mariyey qorshaha siyaasadda caafimaadka iyo dawooyinka oo ay soo diyaarisay wasaaradda caafimaadka.

Sharcigan cusub ee wasaaradda ay keentay ee la meel-mariyey, ayaa waxa uu wax badan ka tari doonaa ilaalinta caafimaadka shaqsiga iyo tayada daawooyinka la keeno dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa shirkii golaha wasiirada ee shalay ka sheegtay in siyaasadda dawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awoodda dhaqaale iyo midda shaqaale ee la heysto.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa sharcigan cusub ka wareystay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiqani Sheekh Cumar Xasan, oo faahfaahin ka bixinaya sida uu u shaqeyn doono sharcigan cusub.

Xeerka dawooyinka Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:21 0:00

XS
SM
MD
LG