Isku xirrada

Cameron Oo Islaam Naceybka La Diriraya


David Cameron waxaa ka carreysiiyey gabar muslimad ah oo ayada oo saaran tareen ay rag caddaan ah ku weerareen kuna daadiyeen khamri, dadkii tareenka saarnaana ay iska daawanayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa cod dheer ku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kuwa caadaystay in ay weeraraan dadka muslimiinta ah ee dalka Britain.

Mr. Cameron waxa uu sidoo kale ku dhowaaqay billowga qorshayaal lagu doonayo in lagula dagaalamo xagjiriinta Britain ee beegsada dadka muslimiinta ah.

Arrintan ayaa ka dhalatay warbixin dhowaan ay soo bandhigtay Jaamacadda Birmingham City University oo looga hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka muslimiinta ah, gaar ahaan gabar muslimad ah oo rag cadaan ah ay ku daadiyeen khamri iyadoo saaran tareen islamarkaana dadkii tareenka saarnaa ay iska daawanayeen.

Arrimahan ayaa waxaa faahfaahin dheer ah naga siiyey oo uu Ridwaan Xaaji Cabdiwali ka waraystay Wariye Aamina Muuse Weheliye oo madax ka ah hay’adda AMSOM MEDIA EMPIRE oo degan magaalada Birmingham.

XS
SM
MD
LG