Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Soomaaliya oo Leh Kulamo Amni


Ra'iisul wasaare Cumar
Ra'iisul wasaare Cumar

Baarlamanka Soomaaliya ayaa su’aalo la xiriira ammaanka weydiinayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Maalintii labaad, ayaa baarlamanka Soomaaliya waxa uu su’aalo la xiriira ammaanka weydiinayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha hay’adaha ammaanka.

Go’aanka baarlamanka ay su’aalaha ku weydiinayaan madaxda xukuumadda ayaa waxa soo dedejiyey qaraxii toddobaadkii tagay ka dhacay hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo shalay iyo maanta ka socda xarunta baarlamanka ee Muqdisho ayaa ah mid albaabadu ay u xiran yihiin oo saxaafadda aan loo ogoleyn.

Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Seynab Abukar Maxamed ayaa inoo soo dirtay warbixintan oo ay ku eegeyso kulamadan iyo ammaanka Muqdisho.

Warbixin: Ammaanka Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00

XS
SM
MD
LG