Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Michael Keating Oo La Shiray Madaxda Galmudug


Michael Keating. Photo Courtsey of UN
Michael Keating. Photo Courtsey of UN

Wakiilka QM ee Somalia ayaa isku dayaya inuu maamul goboleedyada Somalia ka jira ka dhaadhiciyo sidii loo hirgelin lahaa go’aankii shirka madasha.

Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa weli wada dadaal xooggan oo ay maamul goboleedyada Somalia ka jira kaga dhaadhicinayaan sidii loo hirgelin lahaa go’aankii ay soo jeedisay dowladda Somalia ee ku saabsanaa habka doorashada 2016.

Go'aankaas oo ahaa in doorashada lagu saleeyo 4.5 iyo hab deegaan oo isku dhaf ah ayaa beesha caalamka ay taageertay.

Xubanaha beesha caalamka ee dadaalkan ku lugta leh oo uu horkacayo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Michael Keating, oo horey u tagay Puntland, Kismaayo iyo Baydhaba ayaa maanta tagay Magaalada Cadaado.

Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan nooga soo diray magaalada Gaalkacyo.

Keating oo la shiray madaxda Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:01 0:00


XS
SM
MD
LG