Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Sidee Sirdoonka U Sugi Karaan Amniga?


Mogadishu, Somalia
Mogadishu, Somalia

Cumar Salaad Cali oo hore uga tirsanaan jirey ciidamada Nabad sugidda ee Soomaaliya (NSS), ayaa ka hadlaya amni darrida ka jirta Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa beryan dambe ku soo noqnoqonayey dilal qorsheysan oo u badan qaraxyada baabuurta oo dad la bar-tilmaameedsanayo loogu xiro.

Waxaa ugu dambeeyay kii shaley lagu diley allaha u naxariistee mudane Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo Dowladdii Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ka soo noqdey Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka khibradda weyn u leh sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda tuhunsan in hawlihii sirdoonka Soomaaliya looga baahnaa aysan weli wada dhameyn.

Haddaba wariyaha VOA, Maxamed Colaad Xasan ayaa khadka Telefanka ee London ku wareystey Cumar Salaad Cali oo hore uga tirsanaan jirey ciidamada Nabad sugidda ee Soomaaliya (NSS), waxana uu ugu horeyn weydiiyey waxa lagu sababeyn karo dilalka soo noqnoqonaya ee sida fudud loogu khaarajinayo dad dalka magac weyn ku leh?

Sidee sirdoonka uga hortagi karaan dilalka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:29 0:00

XS
SM
MD
LG