Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobabka El Nino oo Halis ku ah Soomaaliya


Roobabka El Nino ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn wax yeello u soo gaarsiiyaan Somalia inta u dhaxaysa October iyo December ee sanadkan.

Cabsi la qabo ayaa ah in roobabkan ay fataahaad dhaliyaan gaar ahaan gobollada ay maraan labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle.

Isku tagga ururada aan dawliga ahayn ee Somalia ayaa maanta soo saaray war saxaafdeed ay kaga digeen in khasaaraha ka dhasha fatahaadaasi ay sii xumayn karto xaaladda nololeed ee dadka dhibaatadu haysato.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dad tiradooda lagu qiyaasay 500 ilaa iyo 900 oo kun oo ka mid ah dadka hareeraha wabiyada ku nool ay waxyeeladu saamayn karto.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in Elniinaha sanadkan uu la mid noqon karo kii ugu xumaa ee sanadahan dambe soo maray Somalia oo dhacay todoba iyo sagaashankii.

XS
SM
MD
LG